Horjooge ka Tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay degaanka Yaaqbari  ee Gobalka Shabeelaha Hoose

Horjooge ka Tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay degaanka Yaaqbari ee Gobalka Shabeelaha Hoose

March 17, 2019 0 By walaal24

 

War naga soo gaaray degaanka Yaaqbari  ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa laga soo sheegayaa in lagu dilay Horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, dilkana oo ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maamulka Gobalka Shabeellaha Hoose

Horjoogahaan oo qaabilsanaa degmada Wanlla-Wayn ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in ay dileen dadka degaanka waxaana degaanka Yaaqbari-wayne ka taagan xiisad arintaasi ka dhalatay oo u dhaxeysa Al-shabaab iyo dadka degaanka, iyadoo dadka shacabka ay billaabeen inay Al-Shabaab iska celiyaan.

Dadka Yaaqbari Weyne ayaa meydka Horjoogaha  la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Gar-Gaduud usoo qaatay Wanlla-Weyn, waxaana halkaas isugu soo baxay dadweyne badan.

Horjoogaha la dilaya ayaa qaabilsanaa Baada iyo Dhaca loo gayto ilaa iyo Afartan tuulo oo ka tirsan Shabeellaha Hoose dadka ku nool.

Shacabka deegaanada Shabeellaha Hoose ayaa markii ay u dul qaadan waayeen ficilada ka soo horjeeda diinta Islaamka ee Al-Shabaab wadaan ayaa haatan waxay billaabeen inay Hubka qaataan oo ay iska dhiciyaan Al-Shabaab.

Facebook Comments