Qasaarihii ka dhashay weerarkii kadhacay Masaajidada ku yaala Dalka New Zealand oo kordhay

Qasaarihii ka dhashay weerarkii kadhacay Masaajidada ku yaala Dalka New Zealand oo kordhay

March 15, 2019 1 By walaal24

 

Weerar lagu qaadday Laba Masjid oo ku yaalla Degmada Christchurch ee Dalka New Zealand, ayadoo lagu jiro xiliga salaada Jimcaha, waxaana la sheegay in ay weerarkaas ku dhinteen dad badan oo ku dukanayay Masaajidadas oo iskugu jiray Soomaali iyo Ajaanib 49 Qof ayaa ku geeriyootay, 20 Qof kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo culus , markii ay Dableey Hubeysani .

Dadka Soomaaliyeed ahaa dadkii ku dhintay, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Shiiq Nuur Muuse Cawaale oo ahaa macalin dugsi qura’an, Shiiq C/qaadir oo ka tirsanaan jiray shaqaalihii Wakaaladdii Biyaha Soomaaliya, Aadan Diiriye iyo wiil 6-sano jir ah oo uu dhalay laguna magacaabi jiray C/llaahi Aadan Diiriye waxaana ay ka mid ahaayeen dadka ku dukanayay masaajidada weeraradu ay ka dhaceen.

Ra’iisul wasaaraha Dalka New Zealand, Jacinda Ardern , ayaa saxaafadda u sheegtay in ay tallaabadani tahay mid Argagixiso oo si weyn loo soo qorsheeyay.

Kooxda weerarka geysatay ayaa la aqoonsaday, waxaana la sheegay in ay ahaayeen Saddex Rag ah iyo Haweeneey, kuwaasoo qaarkood ka yimid Waddamo kale kana mid cunsuriyiinta neceb soo galootiga.

Geerida Dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhintay ayaa iminka maraysa Afar Qof, laamaha gurmadkuna waxa ay la tacaalayaan dhaawacyadii ka dhashay weerarrada lagu qaaday Labada Masjid.

Image result for New Zealand

https://img.buzzfeed.com/buzzfeed-static/static/2019-03/14/22/asset/buzzfeed-prod-web-04/

https://img.buzzfeed.com/buzzfeed-static/static/2019-03/15/0/asset/buzzfeed-prod-web-03/

https://img.buzzfeed.com/buzzfeed-static/static/2019-03/15/0/asset/buzzfeed-prod-web-04/

https://img.buzzfeed.com/buzzfeed-static/static/2019-03/15/0/asset/buzzfeed-prod-web-01/

https://img.buzzfeed.com/buzzfeed-static/static/2019-03/15/0/asset/buzzfeed-prod-web-01/

https://img.buzzfeed.com/buzzfeed-static/static/2019-03/14/22/asset/buzzfeed-prod-web-04/

https://sonna.so/wp-content/uploads/2019/03/

 

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/03/

 

 

Facebook Comments