Madaxweyne Deni oo daah furay shir looga arinsanayo dajinta qorshaha siyaasada ee maamulka Puntland

Madaxweyne Deni oo daah furay shir looga arinsanayo dajinta qorshaha siyaasada ee maamulka Puntland

March 12, 2019 0 By walaal24

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garowe waxa uu ka daah furay shir looga arrinsanayo dajinta qorshaha siayaasadeedka shanta sano ee soo socoto xukuumadda cusub ee Puntland.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), golaha wasiirada iyo madaxda hayadaha ka howlgalla deegaanada Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka oo socon doona muddo Saddex maalmood ah ayaa waxaa looga hadlayaa dajinta qorshe howleedka xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni iyo isbedelka ay la imaan karto iyo qorsho howleedkooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaas uu kusoo aaday xilligii loo baahnaa isla markaasna la dajinayo qorsha howleedka golaha wasiirada Puntland oo galaya sanadkii ugu horeeyey.

Waxa uu sheegay in ahmiyada weyn ee laga rabo xukuumadda uu yahay inay ku dhaqmaan habraaca iyo xeerka u degsan, waxaana uu rajo wanagsan ka muujiyey in shirkaasi ay kasoo baxaan qorsho lagu diyaariyo waxqabadka xukuumadda ee sanadka 2019-ka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa isna waxa uu shirka ka sheegay in shirkaas uu wakhti ku qabsoomay isla markaasna xukuumadda cusub ee Puntland ay ku shaqeyn doonto wax ka duwan golihii wasiirada hore ee Puntland tana ay bilow u tahay.

Maalinta Khamiista ah ee soo socota ayaa la filayaa in shirkaasi lasoo gaba gabeeyo isla markaasna laga soo saaro war saxaafadeed ku saabsan qorsho howleedka sanadkan 2019 ee golaha wasiirada Puntland.

https://www.universaltvsomali.net/infusions/media/uploads//2019-03/

http://walaal24.com/wp-content/uploads/2019/03/

Facebook Comments