Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Kampala

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Kampala

March 12, 2019 0 By walaal24

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee xarunta Dalka Uganda.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa ka qeyb-galaya maalinta berri ah shir looga hadlayo isu soo dhawaanshaha dalalka qaaradda Afrika, baahida loo qabo in Afrika ay u midowdo kobcinta dhaqaalaha, isdhexgalka, shaqo abuurka dhallinyarada iyo nabadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Kampala inta uu joogo la kulmi doono Madax kala duwan, sidoo kale Madaxweynaha Uganda ayeey wada hadallo ku aaddan xiriirka labada Dal iyo wada shaqeynta dhinaca Iskaashiga oo Amniga uu ugu horeeyo ku yeelan doonaan halkaasi.

Facebook Comments