Toos u Daawo: qaban qaabada soo dhaweyntiisa Ra’iisal wasare Kheyre oo ka socota magaalada Kismaayo

Toos u Daawo: qaban qaabada soo dhaweyntiisa Ra’iisal wasare Kheyre oo ka socota magaalada Kismaayo

March 11, 2019 0 By walaal24

 

Magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel Gaarka ee dawlad gobaleedka Jubaland ayaa waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambaysay ee lagu soo dhawaynayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta  wajahan halkaasi.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, iyo dadweyne ka kala yimid xaafadaha kaladuwna ee magaaladaasi, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta wafdiga raiisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta ku wajahan magaalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa marka uu gaaro Kismaayo in uu la kulamo madaxwaynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayna ka wada hadlaan arrima badan oo ay kamid tahay adkaynta amniga, gaar ahaan sida kooxaha argagaxisada ah looga sifayn lahaa deegaannada ay dalka uga suganyihin.

 

Halkan hoose toos uga Daawo soo dhaweynta Ra’iisal wasaare Kheyre:-

Facebook Comments