Ciidmada Amaanka hawlgal ay Ka fuliyeen Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidmada Amaanka hawlgal ay Ka fuliyeen Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

March 10, 2019 1 By walaal24

 

-Ciidamada Amniga ayaa  hawlgal ay Ka fuliyeen Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose, Kana furteen hub kala duwan kooxda al-Shabaab.

Habeenimadii 09-kii bishaan Maarso ayay Ciidamadu weerar Ku qaadeen Xaafadda Hantiwadaag halkaas oo markiiba ay Ka carareen maleeshiyaadka Argagixisada Alshabaab.

Ciidamadu waxeey gacanta Ku dhigeen noocyo kala duwan oo hub ah kaas oo argagixisadu u isticmaalaysay waxyeelada dadka Soomaaliyeed.

Cidamada amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibbadooda Caalamka ayaa 7-dii bishan howgal qorsheysan ku dilay Afar hor-jooge oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab degaanka Gamboole ee Gobolka Shableellada Dhexe.

Facebook Comments