Qarax aad u xoogan oo ka dhacay xaafad ku taala Jidka Warshadaha ee magaalada Muqdisho

Qarax aad u xoogan oo ka dhacay xaafad ku taala Jidka Warshadaha ee magaalada Muqdisho

March 9, 2019 1 By walaal24

 

Qarax xooggan ayaa xalay laga maqlay guri ku yaalla Degmada Howlwadaag, iyadoo jugta qaraxa si weyn looga maqlayay inta badan magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay guri ku dhow Warshadda IVECO oo ku taala Jidka Warshadaha.

Si dhab looma oga qaraxa inuu ahaa mid guriga lagu diyaarinayay iyo in kale, waxaana qaraxa la maqlay abaarihii 11-ka Habeenimo ee xalay.

Ciidamada ammaanka ayaa isla xalay ku baxay guriga uu qaraxa ka dhacay, iyadoo la soo qabtay dadkii guriga ku jiray, ayna Ciidamada amniga isku gedaameen guriga iyo agagaarkiisa.

Facebook Comments