Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Gudoomiye u magacaabay Gobolka Shabeelaha Hoose

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Gudoomiye u magacaabay Gobolka Shabeelaha Hoose

March 9, 2019 0 By walaal24

 

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdacasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, ayaa xil ka qaadis ku sameeyay gudoomiyihii Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre, isagoo soo magacaabay gudoomiye cusub.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Koofur Galbeed, ayaa loogu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax, kaasoo xilkan hore u soo hayay inta aan loo soo magacaabin Wasiiru dowlaha madaxtooyada Koofur Galbeed.

Ninka xil ka qaadista lagu sameeyay waxaa hore u magacaabay Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo xafiiska fadhiyay 10 bilood oo kaliya.

Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa soo dhaweeyay xil ka qaadista lagu sameeyay, wuxuuna balan qaaay inuu la shaqeyn doono ninka xilka gobolka loo soo magacaabay.

 

Halkan hoose ka aqriso war saxafadeedka:-

https://www.universaltvsomali.net/infusions/media/uploads//2019-03/

 

Facebook Comments