Daawo: Maxaa keenay in Madaxweynaha Uganda markasta  tusaale xun ugu soo qaato Dalka Soomaaliya?

Daawo: Maxaa keenay in Madaxweynaha Uganda markasta tusaale xun ugu soo qaato Dalka Soomaaliya?

March 9, 2019 1 By walaal24

 

Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa markale tusaale u soo qaatay Soomaaliya isagoo ka hadlayay dhacdo ka dhacaday Dalkiisa, kuna saabsan Jenaraal ka tirsan Ciidamada Wadankiisa oo dharbaaxay Haweeney ka tirsan Ciidamada Tiraafikada.

Dhacdadaan oo laga duubay muuqaal , lana soo dhigay baraha Bulshada, ayuu Madaxweynaha Uganda ayuu tusaale fariin xanbaarsan u diray Sargaalkii falka xun ku kacay, una sheegay hadaad dhaqan xuntahay ood haweenka dharbaaxeyso Haweenka Ciidamadeena meel ugama banaaneyn Dalka Uganda, ninkii falkaas xun sameeyay wuxuu kula taliyay inuu Soomaaliya aado.

“Genaraal Ciidamada oo dharbaaxay Haweeney…..  ohohoh’’’ lama aqbali karo sharcigaa lagu qaadayaa, hadii aad xanaaqsantahay gardaroole aad tahay fasax naweydiiso Soomaaliya ayaan kuu direynaa, halkaas ayaa lagaga baahanyahay” ayuu yiri madaxweynaha Uganda.

 

Halkan hoose ka Daawo Madaxweyne Yoweri:-

Facebook Comments