Ciidanka Xoogga Dalka oo M/Beladweeyne kusoo bandhigay Waxyaabaha Qarxa

Ciidanka Xoogga Dalka oo M/Beladweeyne kusoo bandhigay Waxyaabaha Qarxa

March 7, 2019 0 By walaal24

 

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalo baaritaano ah oo ay kasameeyeen Magaalada Beladweeyne ee Gobolka Hiiran Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayay kusoo qabteen Waxyaabaha Qarxa iyo Hub.

Col:Farax Kooshin ayaa sheegay howlgalkaasi si gaar ah uga sameeyay Guri ku yaalla Xaafadda howlwadaag ee Baladweyne, isla markaana ku soo qabtay waxyaabaha qarxa, AK47 iyo qalab kale oo loo adeegsan lahaa Qaraxyo.

Taliska Ciidamada xooga dalka qeybta 27-aad ee ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay toogteen shaqsigii deganaa gurigaas ee laga soo saaray waxyaabaha qarxa, sidoo kalena xiligaas aasayay Miino.

Taliyaha Guutada 5aad Qeeybta 27aad XDS G/Sare Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin) oo lahadlay Warbaahinta ayaa in ujeedka howlgalka uu ahaa in amniga Magaalada laxaqiijiyo islamarkaasna laga hortago Kooxaha Argagixisada.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in Ninkaaas uu iska cabin ku sameeyay Ciidamada, isagoona lagu tuhmayay Dil loo geestay maalmo kohor Sargaal ka tirsanaa Qaybta 27-aad sida uu sheegay Taliyaha Guutada 5-aad ee qaybta 27aad.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday howlgal xoogan,kadib markii halkaasi ay ku bateen qaraxyo iyo dilalka qorsheysan.

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/03/

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/03/

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/03/

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/03/