Dowladda Kuuriyada Waqooyi oo dib u soo celisay goobihii tijaabada gantaallada

Dowladda Kuuriyada Waqooyi oo dib u soo celisay goobihii tijaabada gantaallada

March 6, 2019 1 By walaal24

 

Dhowr ilo-wareed ayaa ku warramay in Kuuriyada Waqooyi ay dib usoo celisay qeybo ka mid ah goobihii ay ka tuuri jirtay gantaallada ee ay burburisay kadib markii ay sidaas ku ballan-qaaday kulan madaxeedkii ay madaxweyne Trump kula yeelatay dalka Singapore sanaddii tagtay.

38 North, oo ah mashruuc fadhiggiisu yahay Washington oo ka shaqeeya arrimaha Kuuriyada Waqooyi, ayaa sheegay in sawirro satellite ay muujinayaan dhismooyin iyo qalab yaalla goobta tijaabada Tongchang-ri, oo sidoo kale loo yaqaan Sohae, oo dib loo dhisayo intii u dhaxeysay 16-kii Febraayo iyo labadii March.

The Sohae Satellite Launching Station features what researchers of Beyond Parallel, a CSIS project, describe as the vertical engine stand partially rebuilt with two construction cranes, several vehicles and supplies laying on the ground in a commercial sa

Sidoo kale, wakaaladda wararka Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap News ayaa sheegtay in sirdoonka dalkaas ee NIS ay u sheegeen sharci-dejiyayaasha in dib u dhiska goobta ay socoto.

Xarunta Istaraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah ee CSIS ayaa sidoo kale go’aamisay in Kuuriyada Waqooyi ay waddo dib u dhis deg deg ah.

Kadib kulankii uu Kim Jong Un sanadii tagtay kula yeeshay Singapore, madaxweyne Trump ayaa weriyayaasha u sheegay in hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu ballan-qaaday inuu baab’in doono goobta ugu weyn ee tijaabada gantaallada.

Facebook Comments