Dowladda Masar oo  sheegtay in ay tababareyso qayb ka mid ah Booliska Soomaaliya

Dowladda Masar oo sheegtay in ay tababareyso qayb ka mid ah Booliska Soomaaliya

March 5, 2019 0 By walaal24

 

Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay tababareyso qayb ka mid ah Booliska Soomaaliya si dowladda Federaalka ah awood uga yeelato ka hortagidda Dagaalka Al-Shaabab.

Wasiirka Arrimaha gudaha Masar, ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaariyay khubarro tababarayaal Boolis ah kuwaas oo tababaraya Booliska Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Masar ay kaalin muuqata ku leedahay howlaha amniga ee Qaaradda Afrika si ay howsheeda u sii wadatana ay dowladda Soomaaliya ka taageereyso tababarka dhinaca ciidanka ammaanka ah.

Maxamuud Towfiiq ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay guddiyo isku dhaf ah oo ka shaqeeya ammaanka iyo ka hortagga argagixisada oo ay sameystaan Soomaaliya iyo Masar.

Booliska Somaliya ayaa tababaro kala duwan waxa ay ka helaan dowlado ka tirsan caalamka.

Facebook Comments