Madaxweyne Farmaajo oo qaabbilay Ergeyga gaarka ah ee Hoggaamiyaha Jarmalka u qaabbilsan Afrika

Madaxweyne Farmaajo oo qaabbilay Ergeyga gaarka ah ee Hoggaamiyaha Jarmalka u qaabbilsan Afrika

March 3, 2019 0 By walaal24

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabbilay Ergeyga Gaarka ah ee Hoggaamiyaha Jarmalka u qaabbilsan Afrika Mudane Günter Nooke, isaga oo Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu uga sidey madaxda Dowladda Jarmalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Nooke ayaa kulankooda ku lafo-guray xiriirka labada dal iyo sidii Dowladda Jarmalku u xoojin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya, una dardargelin lahayd mashaariicda horumarineed ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyay Dowladda Jarmalka xiriirka wanaagsan qotada iyo garab istaaga taageerada wax ku oolka ah iyo xiriirka labada wadan u dhexeeya dhaqaalaha iyo dhismaha Ciidmada.