Mareykanka oo sheegay duqeymo ay u geysteed Saldhig Al shabaab ay ku lahayeen Gobolka Hiiraan

Mareykanka oo sheegay duqeymo ay u geysteed Saldhig Al shabaab ay ku lahayeen Gobolka Hiiraan

March 2, 2019 0 By walaal24

 

War qoraal ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu faahfaahiyay duqeymo xagga cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday saldhig kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya kaas oo ay ka soo abaabuli jireen weerarada argagixisnimo.

Weerarkan oo xagga cirka ah ayaa waxaa iska kaashaday Ciidamada Qaranka iyo Saaxiibadooda caalamiga ah,kaasi oo khasaare xoogan uu ka soo gaaray maleeshiyaadka Alshabaab.

Ilaa 26 ka tirsan kooxda ALshabaab ayaa lagu dilay duqeyntaasi oo ka dhacday meel 37 KM dhanka bari ka xigta magalaada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan sida SONNA ay xogtan ku heshay.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa sii kordhisay howlgalada cirka iyo dhulka ah oo ka dhanka ah maleeshiyaadka Alshabaab,iyadoo argagixisada alshabaab jab xoogan uu ka soo gaaray duqeymihii ugu dambeyeey ee ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Facebook Comments