Dhageyso: Maxkamadda darajada kowaad ee G. Nugaal oo xukun dil ah ku riday Shan dhalinyaro ku edeysnaa kufsi

Dhageyso: Maxkamadda darajada kowaad ee G. Nugaal oo xukun dil ah ku riday Shan dhalinyaro ku edeysnaa kufsi

March 2, 2019 0 By walaal24

 

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta xukun dil ah ku riday shan dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyey kufsi wadareed, kadib markii la maxkamadda la hor keenay.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda sare ee Puntland Maxamed Xareed Faarax oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda, isagoona sheegay in dhalinyaradani lagu helay cadaymo ku aadan kiiska lagu soo eedeeyey isla markaasna ay mari doonaan xukunkooda.

Dhalinyarada kufsiga ku eedeysan oo la sheegay in ay qirteen ayaa afar kamid ah laga soo qabtay magaalada Qardho, halka midka kalana laga soo qabtay Gaalkacyo, waxaana la go’aamiyay in kiiskooda lagu galo Garowe.

Sidoo kale Maxkamadda Darajada Kowaad ee gobolka Nugaal ayaa fartay Taliyaha xabsiga dhexwe ee Garowe in eedeysanyaashan xabsiga ku hayo inta xukunkooda oo faahfaahsan soo baxayo.

Magacyada dhalinyarada la xakumay

  1. Cabdirisaaq Axmed Cilmi, da’diisu tahay 18 jir
  2. Cabdirisaaq Cali Cabdi, da’diisu tahay 18 jir
  3. Yusuf Cabdullaahi Xirsi, da’diisu tahay 18 jir
  4. Ugaas Mire Barre, da’diisu tahay 19 jir
  5. Cismaan Maxamed Cabdulaahi, da’diisu tahay 18 jir.

Bishii la soo dhaafay ee February waxaa Gaalkacyo ka dhacay dhowr kiis oo kufsi iyo dil isugu jira, waxaana u dambeeyay kii Caasha Ilyaas, oo aan wali maxkamadi xukun ka soo saarin.

 

Halkan hoose ka dhageyso Xeer ilaaliyaha ku xigenka:-

https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/03/

 

Facebook Comments