Wasiirka Arimaha Gudaha oo ka hadlay muhiimadda Golayaasha deegaanka ee Dalka

Wasiirka Arimaha Gudaha oo ka hadlay muhiimadda Golayaasha deegaanka ee Dalka

March 1, 2019 0 By walaal24

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya, Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa sheegay in dhismaha Golayaasha deegaanka ee Degmooyinka Dalka ay muhiim u yihiin Dowladnimada ayna ka wada shaqeynayaan hay’adda ay quseyso.

Mudane  Sabriye, oo soo xirayay shir Saddexdii cisho ee lasoo dhaafay ugu soconayay Magaaladan Muqdisho Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshisiinta ee Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo daneeyayaasha dhismaha Golayaasha deegaannka ayaa lagu Lafa guray sidii howlahaasi loo dar-dar gelin lahaa, iyadoo la marayo heerarkooda kala duwan.

Shirkan oo ahaa kii 12aad ee noociisa ah ee ay qabato madasha Wadajir, ayaa sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa xubno ka socay hay’adda Qaxootiga  iyo barakacayaasha ee heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed iyo hay’adda Socdaalka Caalamiga IOM.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug, Maxamuud Maxamed Samatar (Durraan), Wasiirka Dib u Heshiisiinta Hirshabeele, Cabdikariim Cali  Nuur iyo Agaasimaha Guud ee amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir oo ku hadlay Afka ka qeyb galayaasha shirka ayaa tilmaamay inay dhaqan galinayaan qorshaha lagu dajiyay iyo qodobada la isku raacay ee war murtiyeedkii shirka.

Ugu dambeyn shirka ayaa laga soo saaray Toban qodob oo ay isku raaceen ka qeyb galayaasha, kuwaas oo nuxurkoodu ahaa dar-dar gelinta dhismaha Golayaasha deegaanka, dhaqan gelinta hannaanka dhab u heshiisiinta Qaranka, sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka barakacayaasha iyo xasilinta Dalka.