Dowlada Pakistan oo sheegtay iney soo rideen Diyaarado dagaal laga leeyahay dalka India

Dowlada Pakistan oo sheegtay iney soo rideen Diyaarado dagaal laga leeyahay dalka India

February 27, 2019 0 By walaal24

 

Dowlada Pakistan ayaa  sheegtay in ay fuliyeen duqeyn xagga cirka ah oo lala beegsaday qeybta Kashmiir ee ay maamulaan dalka Hindiya,isla markaana ay toogteen 2-ka mid ah diyaaradaha dagaalka,ka dib markii ay Hindiya shalay gantaallo ku garaacday  dhulka ay maamusho Pakistan, maanta oo Arbaca ah.

Afhayeen u hadlay ciidamada Pakistan ayaa sheegay in ay hawadooda ku toogteen laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah, isla markaana ay qabteen hal ruux oo Duuliye ah.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Pakistan ayaa war uu soo saaray ku sheegay in aysan u dulqaadan doonin in lagu soo xadgudbo dhulkooda,ayna xilli kasta diyaar u yihiin difaaca dalkooda.

Sheegashada Pakistan ee la xiriirta in ay toogteen diyaaradahaasi ayaa imaanaya xilli wax yar ka hor Hindiya ay caddeysay in ay dib u celisay 3-diyaradood oo ay leeyihiin Pakistan oo ku soo xadgudbay dhulka Kashmiir ee dhanka Hindiya.

https://www.universaltvsomali.net/infusions/media/uploads/inline-images/

 

 

http://walaal24.com/wp-content/uploads/2019/02/

 

Facebook Comments