Janet Yellen “Trump waxba ka fahamsana siyaasadda dhaqaale iyo Keydka federaalka”

Janet Yellen “Trump waxba ka fahamsana siyaasadda dhaqaale iyo Keydka federaalka”

February 26, 2019 1 By walaal24

 

Madaxi hore ee Bangiga Dhexe ee Maraykanka ayaa si weyn u dhaleecaysay aqoonta uu madaxweyne Trump u leeyahay siyaasadda dhaqaalaha.

Ms Jenet Yellen oo la hadashay mid kamid ah barnaamijyada bahwadaagta la ah BBC-da, ayaa sheegtay in madaxwayne Trump aanu waxba ka fahamsanayn siyaasadda dhaqaale iyo Keydka federaalka iyo ujeeddada laga leeyahay midna.

Waxayna intaa ku dartay in Mr Trump uu waddo khaldan mariyay khasaaraha ku aaddan xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya Maraykanka iyo Shiinaha.

Maraykanka iyo Shiinaha ayaa waxaa muddo sanad ah kadhex taagan khilaafka dhinaca ganacsiga oo ka abuurbay canshuuraadka uu midba midka kale saaro.

Ms Yelen oo 2018-kii ka tagtay hay’adda Fed oo hadda kamid ah koox ka shaqaysa machadka cilmi baadhista dhaqaalaha, ayaa waxay kaloo sheegtay ninkan cusub ee uu madaxweyne Trump uu u magacaabay madaxa Fed Jerome Powell ay saameyntiisu badanayso kalsoonida ay shacabku ku qabaan Bangiga Dhexena ay yaraaneyso.

Janet Yellen

Barnaamijka Market Place oo markale weydiiyey inuu madaxweynaha aqoon dheer uusan u lahayn siyaasadda dhaqaalaha ayay waxay ku jawaabtay ‘Maya wax aqoon ah uma laha’.

Waxayna carrabka ku dhufatay in Mr Trump uusan u muuqan mid fahamsan labada mas’uuliyadood ee Fed ka saaran xakameynta sicir bararka iyo shaqa abuurka.

“Hagaag, waxaan shaki wayn ka qabaa xataa in aanu awoodin inuu yidhaahdo Fed himilooyinkeeda inuu yahay inuu shaqa abuur sameeyo iyo sicirka oo uu dajiyo, waajibaadkaasi oo ah waxa Fed uu u igmaday aqalka Congreska” ayay tiri Ms Yellen.

Mar ay ka hadlaysay khilaafka ganacsi ee Mareykanka kala dhaxeeya Shiinaha waxay sheegtay: “Marar badan inay maqasho madaxweynaha iyo la taliyaashiisa oo ka hadlaya khasaaraha ganacsiga laba geesoodka ee kala dhexeeya waddamada xiriirka ganacsi uu ka dhaxeeyo Mareykanka, dhaqaalyahan kasta haddii aad weydiiso khasaare ganacsi wuxuu kuu sheegayaa inuu eraygaasi uusan ahayn mid ku habboon in loo adegsado siyaasad iyo ujeedda dhaqaale midna”.

Ms Yellen waxaa madaxa Fed u magacaabay madaxweyne Obama sanadku marka uu ahaa 2014-kii.

Facebook Comments