Howlgal qorsheysan oo lagu dilay dagalamayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay dagalamayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab

February 25, 2019 0 By walaal24

 

Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah uga fuliyeen Ciidamada Qaranka iyo kuwa Mareynkanka oo ka dhacay Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay 35-ka tirsan dagalamayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa lagu beegsaday ilaa iyo shan goobood oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka argagixisada Al-Sabaab,waxaana lagu kala dhantaalay weerarka dhagar ay kooxda u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Weerarkan ayaa jawaab u ahaa isku day weerar oo argagixisadu ay sameysay labo habeen ka hor, inta aan weerarka lagu qaadin laguna soo burburiyay Saldhigyadooda.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa saaxiibadooda ah ayaa waxay howlgalo qorsheysan ka wadaan gobolada dalka,kuwaasi oo lagu Khaarijiyay horjoogayaal iyo dagalamayaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Facebook Comments