Dil argagax leh Gabar yar oo Kufsi iyo Dil leysugu daray kadibna Gurigooda la soo hordhigay

Dil argagax leh Gabar yar oo Kufsi iyo Dil leysugu daray kadibna Gurigooda la soo hordhigay

February 25, 2019 0 By walaal24

 

Wararka naga soo gaarayo magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa laga soo sheegayaa in uu ka dhacay dil aad u naxdin badan isla markaana ay aad uga argagexeen shacabka kunool magaaladaasi.

Fiidnimadii xalay waxaa aad magaalada looga baafinayey gabar yar oo lagu magacaabo Caaisha Ilyaas Aadan oo da’deedu tahay 12 jir, waxaa saaka aroorta hore meydadkeeda la soo hordhigay gurigooda ee magaalada Galkacyo.

Dadka degaan oo sheegay in Gabadha yar loo geystay Kufsi iyo Dil oo jirkeeda ka muuqday dhaawacyo culus oo jirdil, dadka degaanka oo ka argagaxay dhacdadaan oo markii labaad ay ka dhaceyso magaalda Galkacayo.

Saraakiisha caafimaadka ee isbitalka Galkacyo ayaa markii la soo gaarsiiyey meydka ilmahaasi siqiirka ah waxa ay sheegeen in si aad ah loo jirdiley ayna baaritaan ku samayn doonaan.

 

http://puntlandnews.net/wp-content/uploads/2019/02/

Facebook Comments