Dhageyso: Dhacdo xanuun badan oo lagu laayay Dad Shacab ah  Degaanka Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Dhageyso: Dhacdo xanuun badan oo lagu laayay Dad Shacab ah Degaanka Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose

February 25, 2019 0 By walaal24

 

Wararka naga soo gaaraya  deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu laayay Dad Shacab ahaa oo isugu jira Dumar iyo Rag, markii loo adeegsaday hubka daran dooriga u dhaca.

Dadakan la laayay oo tiradooda lagu sheegay 9 qof, lix dumar yihiin iyo sadax rag yihiin, dadkaan la laayay waxay nadaafad ka wadeen degaanka Xaawa Cabdi, wadad xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, maamihii  la soo dhaafay la dhagax dhigay si dib loogu dayactiro.

Madaxa Arrimaha Bulshada deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose Muqtaar Nuur Geeysay oo la hadlay warbaahinta sheegayna in dadka la dilay ay tirro ahaa gaarayan ilaa iyo 9 ruux oo u badnaa Haweeyn,kuwaasi oo xiliga falkan uu dhacayay ku guda jiray shaqo ay halkaasi ka wadeen.

Sida uu wax tilmaamay Geeysay in dadkaasi kooxo hubeysan ay u yimideen,isla markaana rasaas xooan ay ku fureen,iyagoona goobta ku geeriyooday.

Dhanka kale Guddoomiya gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre  oo la hadlay  ayaa ka warbixiyay dhacdadaasi.

Guddoomiye Barre ayaa sheegay in dadkan ay ahaayeen kuwo isxilqaamay oo olole nafaadeed ka waday waddada dheer ee aada dhanka Afgooye, waxaana uu dilkooda ku eedeeyay Al Shabaab oo weeraro ka fuliya halkaasi.

Dhawaan ayey aheyd markii gawaari siday Dhuxul Al Shabaab ay ku gubeen deegaanka Lafoole oo dhaca duleedka Koonfureed ee magaalada Muqdisho.

 

Halkan hoose ka dhageyso labada mas’uul hadalkooda:-

Madaxa Arrimaha Bulshada deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose Geesey:

 

Guddoomiya gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre:

Image may contain: one or more people, people sitting, outdoor and nature

Image may contain: one or more people and outdoor

 

Facebook Comments