Shir madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta ka furmaya Dalka Masar

Shir madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta ka furmaya Dalka Masar

February 24, 2019 0 By walaal24

 

Waqtiyada soo socda ayaa la filayaa in Magalada Sharma El-Sheikh ee dalka Masar in uu ka furmo Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo ah kii ugu horeeyay oo ay dalkaasi ku yeeshaan.

Shirkaas ayaa waxaa Soomaaliya uga qayb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo,waxana sidoo kale ka qeyb galaya 22 dal oo ka socda Wadamada Carabta 28 ka mid ah Midowga Yurub oo uu Ingiriiska ku jiro.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed ciise Cawad oo ku sugan dalka Masar ayaa sheegay in shirkaasi looga hadli doono xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka iyo Amniga, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta.

Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Carabta iyo Yurub, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhexaysa.

Wadamada Midowga Yurub ayaa xilligaan waxa ay doonayaan inay xiriir wanaagsan la yeeshaan Wadamada Carabta oo qaarkood ay qani ku yihiin Shidaalka iyo Saliida,waxaana xusid mudan in qaar ka mid ah wadamada Yurub ay martigeliyaan Qaxooti Carbeed oo wadamadooda dagaalo uga cararay.