Muxuu ku danbeyndoonaa Dalka Venezuela markii ay isku dhaceen dadka iyo Ciidamada amaanka?

Muxuu ku danbeyndoonaa Dalka Venezuela markii ay isku dhaceen dadka iyo Ciidamada amaanka?

February 23, 2019 1 By walaal24

 

Hoggaamiyaha mucaaradka Juan Guaido, oo isagu bishii hore isku magacaabay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi, Mareykankuna uu u sacabba tumay, ayaa sheegay inuu doonayo in gargaar ka socda Mareykanka iyo mid caalami ah la geeyo dalkaasi.

Waa tallaabo uu madaxweyne Maduro hore u diiday, isagoo dafiraya in xasarad bani`aadannimo ay dalkiisa ka jirto.

Dalka Venezuela ayaadoo ay jirto in koox dadka asal ahaan ka soo jeeda Venezuela ay isku dhaceen ciidammada ammaanka ee uu soo amray madaxweyne Nicolas Maduro – kuwaasoo isku dayayay inay ka hortagaan gargaar ka soo gala xadka Brazil.

Waa tallaabo uu madaxweyne Maduro hore u diiday, isagoo dafiraya in xasarad bani`aadannimo ay dalkiisa ka jirto.

Image result for Dalka Venezuela

Dhanka kale, Xadka Venezuela uu la wadaago dalka Colombia, tobnaan kun oo qof ayaa ka qayb galay isu imaatin uu soo qaban qaabiyay bilyaneerka Richard Branson.

Madaxweynayaasha Chile iyo Colombia ayaa ka soo qayb galay. Isu imaatin kale oo uu meel halkaasi 300m u jirta uu ka soo abaabulay madaxweyne Nicolas Maduro ayaysan dad badan ka qayb galin.

Facebook Comments