Dhageyso: Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay qilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

Dhageyso: Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay qilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

February 21, 2019 0 By walaal24

 

Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa markii ugu horeeyey waxa uu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee sii xoogaysanaya ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Waare ayaa tilmaamay in khilaafka oo ahaa mid ku bilowday si sahal ah ayna gaartay halkii ugu saraysa taasina ay tahay mida uu maamulkiisu la yaabay, waxaa uu sheegay in uu aad ugu qancay qaabka ay dowladda Soomaaliya ay uga jawaabtay hadalkii Kenya.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha maamul Hirshabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ku baaqay in xaalada la qaboojiyo.

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya oo ay horay uga dhaxaysay wada shaqayn iyo xiriir wangaasan ayaa tan iyo bilowgii isbuucan waxa uu ahaa mid sii xumaanaya kadib markii ay dowladda Kenya ay ku dhawaaqay inay xiriirka u jari doonto dawladda Somalia kaas oo isku badalay khilaaf diblumaasiyadeed oo cirka isku sii shareeray.
Halkan hoose ka dhageyso Madaxweyne Waare:-