Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Dalka Kenya oo laga soo ceyriyay ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Dalka Kenya oo laga soo ceyriyay ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho

February 17, 2019 0 By walaal24

 

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa soo gaaray Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamud Axmed Nuur Tarsan, kadib markii laga soo ceriyay in uu isaga baxo dalka Kenya.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Tarsan Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya, waxaana la socday Wasiirka Arrimaha dibada Axmed Ciise Cawad iyo Madax kale.

Safiirka u joogay dowlada Soomaaliya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa lagu amray in dib ugu laabto dalkiisa, halka dowlada Kenya u yeertay Danjirihii ka joogay Soomaaliya Lukaas Tumbo.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in dalka Soomaaliya oo ay deriska yihiin dhinaca Waqooyi inay u aqoonsadeen Dowlad caddow ah, kadib, markii ay xaraashtay xuduud-baddeedka Kenya ee ay ku jiraan Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee DFS weli si rasmi ah ugama aysan hadlin Go’aanka ay Dowladda Kenya ku shaacisay inay somalia u arkaan dal caddow ku ah Kenya.

Facebook Comments