Midowga yurub oo Sacuudiga iyo wadamo kale ku daray wadamada maal galiya Argagixisada

Midowga yurub oo Sacuudiga iyo wadamo kale ku daray wadamada maal galiya Argagixisada

February 14, 2019 0 By walaal24

 

War saxaafadeed ka soo baxay arbacada shalay ah ayaa lagu sheegay in wadamadan aysan waxba ka qaban ka hortagida dhaqida.

Wadamada midowga yurub ayaa liiska madow waxay ku dareen todoba dal oo ay ka mid yihiin Sacuudiga Nigeria iyo Panama kuwaasi oo ay ku dhaliileen dhaqida lacagta madow iyo maal galinta kooxaha Argagixisada.

Dhanka kale waxaa arintaan ka hor yimid wadamo badan oo ka mid ah qaarada kuwaasi oo ka baqaya in saameyn ay ku yeelato heshiis dhaqaale oo horay ula galeen Sacuudiga.

Balse madaxa cadaalada gudiga midowga Yurub Vera Jourova ayaa sheegtay in arintaan aysan noqon karin mid wado dhaqaale lagu abuuri karo.

Si kastaba ha ahaatee arintaan ayaa la ogeyn go, aanka rasmiga ah oo ay ka qaadan doonaan 28-da dal ee ku yaal qaarada Yurub.

Facebook Comments