Donald Trump oo ugu baaqay Ilhaam Cumar inay is casisho oo ka mid ah xubin Aqalka Kongreska

Donald Trump oo ugu baaqay Ilhaam Cumar inay is casisho oo ka mid ah xubin Aqalka Kongreska

February 13, 2019 0 By walaal24

 

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ugu baaqay Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah, kana mid ah xubin Aqalka Kongreska Mareykanka, inay iscasisho, kadib markii ereyo “Yuhuud naceyb” ah ay ku qortay barteeda Twiter-ka.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xildhibanaada aqalka Kongreska ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in Gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi oo sheegtay in Ilhaan looga fadhiyo inay raaligeli ka bixiso hadalkaasi.

Image result for nancy pelosi and ilhan omar

Trump ayaa sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka.

“Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump.

Waxaa kale oo uu sheegay in raali gelintii ay bixisay Ilhaan Cumar ay tahay mid daciif ah, oo waxaaa uu intaa raaciyay in hadalka kasoo yeeray Ilhaan uu yahay mid ay si weyn u aaminsan tahay.