Warbaahinta madaxa banaan oo loo diiday iney gudaha u galaan xarunta madaxtoyada Puntland

Warbaahinta madaxa banaan oo loo diiday iney gudaha u galaan xarunta madaxtoyada Puntland

February 12, 2019 0 By walaal24

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa laga soo sheegay in Warbaahinta madaxa banaan ee ka hawlgasha magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa loo diiday iney galaan Xarunta Madaxtooyada Puntland oo ka socotay dhaarinta Golaha Wasiirada ee Puntland.

Warbaahinta madaxa banaan ayaa dhamaanba hakisay maanta in ay baahiso dhaarinta gollaha wasiirada cusub ee dowladda Puntland, kadib markii loo diiday in ay gudaha u galaan madaxtooyada oo ahayd goobta lagu dhaarinayey wasiirada cusub.

Madaxtooyada Puntland ayaa shaacisay in shakhsiyaad ka tirsan ay warbaahinta qaybaheeda kale u diri doonaan muuqaalada dhaarinta ah ee wasiirada Puntland, taas oo ay ka biya diideen warbaahintu isla markaasna ay go’aansadeen in aysan baahin muuqaalada madaxtooyada.

Wariyaasha ku dhaqan magaalada Garow ayaa goor dhow warbaahinta la hadli doona, waxaana ay go’aan midaysan kasoo saari doonaan xukuumadda cusub ee madaxweyne Denni.