Dhageyso: Shirka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlay dib u eegista qaab dhismeedka Hay’adaha Qaranka

Dhageyso: Shirka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlay dib u eegista qaab dhismeedka Hay’adaha Qaranka

February 11, 2019 0 By walaal24

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo Shir uu guddoomiyay tubta siyaasadda loo dhanyahay, ay ku yeesheen Xarunta Gobalka Banaadir ayna ka soo qeybgaleen Wasaaradaha, guddiyada iyo hay’adaha kale ee ku midaysan  ayaa looga hadlay dib-u-eegista qaab dhismeedka Hay’adaha Qaranka iyo asteynta awoodaha Dowladda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Dib-u-eegista qaab dhismeedka Hay’adaha Qaranka iyo Asteynta awoodaha Dowladda oo muhiim ah u shaqooyinka iyo daadejinta hawlaha Hay’adaha kala duwan ee Dawladda ayaa kamid ah halbeegyada laga doonayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay ku xaqiijiso sannadkaan 2019.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaasha shaqo ee maamulka Gobalka Banaadir iyo sida ay ula jaan-qaadayaan halbeegyada Tubaha Qaranka iyada oo ugu dambayn lagu ansixiyay waajibaadka Shaqo ee tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Hoggaanka Dawladda waxaa ka go’an in awooda lagu wareejiyo shacabka Soomaaliyeed, lana fulinayo ballamihii billaawgii 2017, iyada oo loo marayo tubta siyaasadda loo dhanyahay oo himilooyinkeeda ay kamid yihiin Qaan-gaarsiinta nidaamka Federaalka, dhameystirka nidaamka dib-u-heshiisiinta, Dhameystirka Qabyo qoraalka Dastuurka, diyaarinta hannaanka iyo qorsheynta doorshooyinka 2020 iyo Xoojinta xiriirka Caalamiga ah iyo iskaashi danta Soomaaliya ku jirto oo aan dunida inteeda kale lala yeesho.

 

Halkan hoose ka dhageyso warbixinta Gudomiye Yariisow+Sawiro:-

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing

Image may contain: 4 people, suit

 

Image may contain: 1 person, suit

 

 

Image may contain: 1 person, sitting

 

Image may contain: 5 people, people sitting and indoor

 

Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoor

 

Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoor

 

No photo description available.

 

Image may contain: 1 person, suit

 

Image may contain: 3 people, people standing and outdoor

 

Image may contain: 1 person

 

https://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2019/02/