Madaxweyne Farmaajo oo  kula kulmay Antonio Guiteres magaalada Addis-Ababa ee Itoobiya

Madaxweyne Farmaajo oo kula kulmay Antonio Guiteres magaalada Addis-Ababa ee Itoobiya

February 10, 2019 0 By walaal24

 

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guiteres, waxayna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee QM Mudane Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle), Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Mudane Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Bilal Cusmaan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo halkaasi ka furmaya,kaasi oo sanadkan lagu lafo-gurayo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaarada Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran.

Dhanka kale inaan weli Soomaaliya loo soo magacaabin Ergey Qaramada midoobay u qaabishan Soomaaliya, taniyo markii laga ceyriyay Ergeygii hore ee Heysam, xilka mudo kooban haayay isagoo ku dhaqaaqay arimo ka baxsan dhanka dublamasiyada, taasoo u muuqatay in Qaramada midoobay ay aad uga fiirsaneyso qofkii ay u magalcaabi laheyd.