Madaxweynaha maamulka Puntland oo ku dhawaaqi doono Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha maamulka Puntland oo ku dhawaaqi doono Golihiisa Wasiirada

February 10, 2019 0 By walaal24

 

Wararka naga soo gaarayo  magaalada Garowe ayaa waxa ay sheegayaan in saacadaha soo socda lagu dhawaaqi doono gollaha wasiirada Puntland, waxaana madaxtooyada ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku aadan magacaabista gollaha wasiirada.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni ayaa kulamo iyo la tashiyo kala duwan samaynayey saacaddihii ugu dambeeyay, kuwaas oo ku aadan ku dhawaaqista gollaha wasiirada Puntland.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo maanta kal fadhi ku yeeshay xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa meel mariyey in wadarta guud ee wasiirada hal mar ah la meel mariyo isla markaasna waxaa looga fadhiyaa madaxweynaha ku dhawaaqista wasiirada cusub.

Facebook Comments