Casho sharaf loo sameeyay madaxda ka soo qayb gashay Shir Madaxeedka midowga Afrika

Casho sharaf loo sameeyay madaxda ka soo qayb gashay Shir Madaxeedka midowga Afrika

February 10, 2019 0 By walaal24

 

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka qayb galay casho uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed ayaa kulan Casho sharaf ah u fidiyay madaxdii ka soo qayb gashay Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee ka furmaya Addis Ababa.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo barri furmaya ayaa sannadkan lagu lafo-gurayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadal-jeedin ku leh shirka waxuuna khudbadiisa diiradda ku saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aadan arrintan.

Image may contain: 2 people, people sitting

Facebook Comments