Baarlamaanka Puntland oo war ka soo saaray wasiirada cusub ee madaxweyne Denni

Baarlamaanka Puntland oo war ka soo saaray wasiirada cusub ee madaxweyne Denni

February 10, 2019 0 By walaal24

 

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta  gollaha wasiirada cusub ee madaxweyne Denni uu soo magacaabi doono, in loogu codeeyay in wadar ahaana loo ansixiyo

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa u codeeyay in si guud loo ansixiyo gollaha wasiiradda, waxaana arintaasi ogolaaday 26 xildhibaan.

24 xildhibaan ayaa waxa ay soo jeed jeediyeen in mid mid loo ansixiyo wasiirada halka 3 xildhibaana ay ka aamustay, waxaana dood dheer kadib lagu dhawaaqay in wadar ahaan loo ansixin doono gollaha wasiirada Puntland.

Dhanka kale ilaa galabta ayaa la filayaa in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni uu soo saaro liiska gollihiisa wasiirada, kuwaas oo ka koobnaan doona ilaa 16 wasiir.
                                                                                                                                                                                      Wasaaradaha Puntland qaarkood ayaa la hoos gayn doona wasaaradaha ay isku shaqada yihiin, waxaana magaalada Garowe ka socda kulamo iyo shirar ku aadan wasiirada halka xubno badan oo aanan la aqoon wajiyadooda ay kasoo dhex muuqan doonaan wasiirada cusub.