Soomaaliya oo martigelineysa ciyaar caalami ah 30 sano kaddib ka dhaceyso magaalada Muqdisho

Soomaaliya oo martigelineysa ciyaar caalami ah 30 sano kaddib ka dhaceyso magaalada Muqdisho

February 8, 2019 0 By walaal24

 

Ciyaarta ka dhacaysa garoonka Banaadir waxay noqonaysaa ciyaartii ugu horreysay oo heer caalami ah oo ay martigeliso Soomaaliya muddo 30 sano ka hor.

Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in xulka ka yar da’da 20 jirka ah ay casuumi doonaa dhiggooda Ereteriya, ciyaar saaxiibtinnimo oo Muqdisho ka dhacaysa 16-ka bishan Febraayo.

Walaaca nabadgelyada ayaa ku qasbaya in xulka Soomaaliya ay ku ciyaaraan goobo dhexdhexaad ah ama meel ka fog gurigooda.

‘Mustaqbalka nagu soo aaddan waxaan casuumi donnaa tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa’ ayuu yiri Cabdiqani Siciid Carab, oo ah madaxweynaha Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya.

‘Hadda waxaan haysannaa nabad … waan ku faraxsannahay in aan ugu danbayn martigelin doonno ciyaar heer caalami ah, soddon sano kaddib’

.

Carab, oo sidoo kale ah madaxweyne ku-xigeenka xiriirkaa Bariga iyo bartamaha ee Cecafa ayaa yiri.

‘Dadkayaga aad bay ugu xiisa qabaan inay daawadaan ciyaartaas caalmiga ah’

Ciyaartii u danbaysay ee Soomaaliya martigelisa waxay ahayd sanadkii1988-kii, markaas oo ay soomaaliya la ciyaareysay xulka Mauritius ciyaar ka tirsan isreebreebka Olombikada oo Muqdisho ka dhacday.

Tan iyo 2015-kii, xiriirka Kubbadda Cagta ayaa dhigay caws macmal ah garoonka Muqdisho, oo lagu ciyaaray horyaalka Soomaaliya markii koobaad 2017-kii, soddon sano kaddib