Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo oo markale weerar afka ah ku qaaday siyasiintii ka horyimid shirkii London

Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo oo markale weerar afka ah ku qaaday siyasiintii ka horyimid shirkii London

February 8, 2019 0 By walaal24

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlayay Shirka Batroolka Soomaaliya  ayaa Siyaasiin ka horyimid shirkii lagu qabtay Magaalada London, laguna soo badhigaayay Shidaalka ceegaaga Soomaaliya, ayaa waxa uu  si kulul u weeraray Siyaasiyiin uu ku sheegay in ay Xanaaqsanyihiin, kuwaas oo ka soo horjeeda sida uu yiri horumarka dalka, doonaya in ay dib u dhigaan Dalka.

Waxaa uu sheegay Madaxweynuhu Dowladdii tan ka horeysay in ay heshiis lagashay Shirkado sahmin ku bilaabay goobaha ay macquulka tahay in laga heli karo Shidaalka welina aan la soo bandhigin faah-faahinada la xiriira waxa ka soo baxay baaritaankaas ay sameeyeen Shirkadaha heshiiska lala galay.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in aysan jirin, dan ku jirta in la iska heysto Baaritaanada Sahminta, iyada oo ay jiraan dad badan oo danaynaya soo bandhigista Shidaalka, waxaana uu ku eedeeyay dadka ka hadlaya Shirka Shidaalka in ay yihiin kuwii dalka dib u dhigayay laga soo bilaabo 2000-ilaa iyo haatan.

 

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweyne Farmaajo:-