Shirka looga hadlayo Badroolka Soomaaliya oo lagu wado in uu Maanta ka furmo Dalka Ingiriiska

Shirka looga hadlayo Badroolka Soomaaliya oo lagu wado in uu Maanta ka furmo Dalka Ingiriiska

February 7, 2019 0 By walaal24

 

Wasaaradda Badroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la gaaray xilligi la ogaan lahaa macluumaadka Shidaalka Dalkeenna ku jira, si looga faa’iideeyo Bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 7-da February lagu wadaa in Magaalada London ee Dalka Ingiriiska uu ka furmo shir looga hadlayo arrimaha Shidaalka Soomaaliya,kaasi oo ay hormuud ka tahay Dowladda Federaalka.

Xubno kasocda Maamul Goboleedyada Dalka oo London gaarayay ayaa shirjaraa’id oo ay ku qabteen halkaasi waxay ku sheegeen in ay soo dhoweynayaan in Soomaaliya ay ka faa’iideysato kheyraadkeeda, maaddaama uu Dalku soo maray marxalado kala duwan, haatanna la gaaray xilligii laysku tashan lahaa.

Wakiillada Dowlad Goboleedyada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in uu weji kale leeyahay Shirka London, waxanay Dadka Soomaaliyeed u sheegeen in ay ujeeddadu tahay in la shaaciyo xogtii hadda ka hor laga soo uruuriyay Keydka Shidaalka Soomaaliya Bad iyo Berriba.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa war ay kal hore ka soo saartay arrintan ku sheegtay in uusan jirin Shidaal Soomaaliyeed oo la xaraashayo, wasaaradduna ay gudaneyso waajibaadkeeda si ay Ummadda Soomaaliyeed ugu faa’ideyso si sax ah kheyraadka Ilaahay ku manneystay.