Hordhaca kulanka xiisaha badan Barcelona vs Real Madrid El clasico ee Copa del Rey

Hordhaca kulanka xiisaha badan Barcelona vs Real Madrid El clasico ee Copa del Rey

February 6, 2019 0 By walaal24

 

Kooxda Real Madrid ayaa caawa u safreysa garoonka Camp Nou, halkaasoo ay kula soo ciyaari doonto naadiga Barcelona kulan ka tirsan Copa del Rey.

Labada kooxood ayaa isku qaban doona El Clasico gaar ahaan semi-final-ka ama afar dhammaadka Copa del Rey, iyagoo lugta labaad ee tartankan ciyaari doona saddex todobaad kaddib.

Garoonka: Camp Nou (Barcelona).

Xiliga Saacada: 11:00 PM Habeennimo oo Caawa ah.

Garsooraha: Mateu Lahoz

Lionel Messi ayaa qaba dhaawac bowdada ah oo ka soo gaaray kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Sabtidii naadiga Valencia inkastoo uusan dhaawacaas ahayn mid halis ah, hadda shaki ayaa laga galinayaa kulankan.

Tababaraha Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa la filayaa inuusan kabtanka Argentina halis gelin doono kulankan maadaama uusan 100% taam ahayn.

Dhinaca kale Weearyahanka kooxda Barcelona ayaysan u badnayn inuu kulankan taam u noqdo, maxaa yeelay isagu waxa uu weli ka soo kabanayaa dhaawac muruqa ah.

Image result for barcelona vs real madrid copa del rey 2019

Kooxda ku ciyaarta garoonka Camp Nou ayaan sidoo kale heli doonin oo qaabili doonta Los Blancos iyadoo aan haysan Rafinha iyo Samuel Umtiti.

Real Madrid ayaa dhankeeda aan la daalaa-dhacayn wax dhaawacyo ah, macallin Solari ayaana haysta shax caafimaad qabta ee taam ah oo ay ku jiraan weeraryahanka qaab ciyaareedka sare ku jira ee Karim Benzema iyo xiddiga taam ahaanshaha haysta ee Gareth Bale.

Kaliya waxaa Real Madrid ka maqnaan doona kulankan daafaca aan inta badan la isticmaalin ee Jesus Vallejo.

Waxyaabaha uga baahantahay:-

.>- Barcelona iyo Real Madrid ayaa tartammada oo dhan ku kulmay 272 kulan, Barcelona ayaa hoggaaminaysa oo guulo badan waxaana ay gaartay 113 guul, Real Madrid ayaa dhankeeda adkaatay 99 kulan, halka ay barbaro galeen 60-jeer.

  • Real Madrid ayaa kulankan imaanaysa iyadoo ku jirta qaab-ciyaareedkii ugu fiicnaa xilli ciyaareedka, waxa ay badisay shan kulan oo xiriir ah tartammada oo dhan markii ugu horreysay sanad ku dhowaad.

  • Gool ay caawa ku soo dhaliso bannaanka ayaa muhiim u noqon doona, maadaama Real Madrid ay gool dhalinaysay 14-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay booqatay garoonka Camp Nou tartammada oo dhan.

  • Markii ugu dambeysay oo ay kooxda Barcelona ku guuldarreysatay inay gool ku dhaliso garoonkeeda kulanka El Clasico waxay ahayd sanadkii 2007, guud ahaanna kulankan goolal badan ayaa la iska dhaliyaa labada dhinac.