Faah faahin Kulanka Caawa isga hor’imanayaan Everton vs Manchester City ee Premier League

Faah faahin Kulanka Caawa isga hor’imanayaan Everton vs Manchester City ee Premier League

February 6, 2019 0 By walaal24

 

Manchester City ayaa caawa u safri doonta Everton, kulankan iyadoo rajeyneysa inay qabato hogaanka horyaalka Premier League haddii ay guul soo gaarto.

City ayaa dhibcaha kala sinnaan doonta Liverpool balse farqiga goolasha ayay kaga qaban doontaa hogaanka haddii ay caawa ka soo adkaato Everton.

Kulanka wuxu soo gali doonaa Saacada Geeska Afrika marka ay tahay 10:45 PM oo Caawa ah.

Man City waxaa weli ka maqnaan doona Kabtankooda Vincent Kompany. Daafaca reer Belgium ayaa dhibaato Muruqa ah garoomada uga maqnaa bishii la soo dhaafay mana jirto waqti la xadiday inuu dib ugu soo laaban doono garoomada.

Claudio Bravo ayaa isagu dhaawac waqti dheer ku ku maqan halka uu soo laabtay Benjamin Mendy kaddib qaliin looga sameeyay Jilibka, City ayaa wixii intaa ka dambeya heysata shax wada caafimaad qabta.

Xiddiga qadka dhexe ee Everton  Idrissa Gueye ayaa ka soo laabtay dhaawac Gumaarka ah waxayna u badan tahay inuu dib ugu soo laaban doono safka hore.

Image result for everton vs man city

Phil Jagielka iyo Yerry Mina ayaa kulanka dhaawacyo ku seegi doona halka ay sidoo kale u badan tahay inuu maqnaan doono Leighton Baines waxaase ganaax ka soo laabtay Lucas Digne.

Everton ayaa guuleysatay kaliya hal ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ay ku wajahdo Manchester City (6-guul darro iyo 4-bar baro), kulanka ay adkaadeen ayaa ka dhacay  Goodison Park bishii Janaayo 2017 kolkaa ay 4-0 uga adkaadeen.

Manchester City ayaa guuleysatay labo ka mid ah saddexdii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ay bannaanka kula soo ciyaarto Everton (1-guul darro).

Manchester City ayaa guul darreysatay saddex ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ay bannaanka ku soo ciyaarto (2-guul) waana in ka badan guul darooyinkii gaaray 34-tii kulan ay horey u soo ciyaartay (26-guul, 6-bar baro iyo 2-guul darro).

Macalinka Manchester City Pep Guardiola ayaa wada  guuleystay dhammaan afartii kulan uu Premier League ku wajahay macalinka Everton ee Marco Silva, isagoona isku cel celis ka dhaliyay 15 ilaa 15-3.