Maxaa sababay Dalka Venezuela qalalaasaha siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowlada iyo mucaaradka?

Maxaa sababay Dalka Venezuela qalalaasaha siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowlada iyo mucaaradka?

February 5, 2019 0 By walaal24

 

Dalal dhowr ah oo ka tirsan dalalka Laatin Amerika iyo dalka Canada ayaa ugu baaqay militariga dalka Venezuela inay taageeraan hoggaamiyaha mucaaradka Juan Guaidó dalkaasi.

Dalalkan ayaa ku baaqay in la baddalo hoggaanka dowladda iyadoo aanan wax awood ah la adeegsaneyn, sidoo kalena gargaar la gaarsiyo shacabka dalkaasi.

Guaidó ayaa isugu dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha kumeel gaarka ah ee Venezuela, waxaana aqoonsaday dalal badan oo uu kamid yahay Mareykanka.

Madaxweyne Maduro wuxuu isagana sheegay inuu yahay madaxweynaha sida sharciga ah loo soo doortay.

Maduro oo ay taageeraan dalalka Shiinaha iyo Ruushka ayaa ka digay mar sii horreysay in qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalkiisa inay isku baddali doonaan dagaallo sokeeye.