Ciidamada Xoogga dalka iyo Ciidamo Caalimi ah oo weerar ku qaaday dagaalyahano Al-shabaab

Ciidamada Xoogga dalka iyo Ciidamo Caalimi ah oo weerar ku qaaday dagaalyahano Al-shabaab

February 3, 2019 0 By walaal24

 

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibadooda caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay xero kooxda  Al-Shabaab ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa lagu dilay 13 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, xerada ay la weeraray ayaa lagu diyaarinayay dhagar ka dhan ah Shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Xoogga dalka iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa ka hortagay dhagarta Al-Shabaab, islamarkaana baabi’iyay saldhigii Al-Shabaab halkaasi ku lahaayeen.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo hadda weerar kala go’alaheyn ku socota.

Facebook Comments