Taliya cusub oo loo magacaabay howl-galka midowga Afrika ee Ciidamada AMISOM

Taliya cusub oo loo magacaabay howl-galka midowga Afrika ee Ciidamada AMISOM

February 1, 2019 2 By walaal24

 

Taliya cusub ee howl-galka midowga Afrika ee Ciidamada AMISOM ayaa loo Magacaabay ,Jeneraal; Tigabu Yilma Wondimhunegn, oo kasoo jeeda Dalka Itoobiya, kaas oo beddelaya, Jeneraal; Jim Beesigye Owoyesigire, oo xilka hayay tan iyo January 2018.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa guud ee howl-galka Amisom, Francisco Caetano Madeira, ayaa goob-joog ka ahaa munaasabadda xil wareejinta Labada taliye.

Francisco Madeira, ayaa taliyaha cusub kula dardaarmay in ay hortaallo shaqo, wuxuuna sheegay in howl-galku uu yahay mid aad u ballaaran, balse uu si fiican ugu kalsoon yahay inuu kasoo bixi karo waajibaadka ka saaran xoojinta Amisom.

Taliyaha cusub ee Amisom Jeneraal; Tigabu Yilma Wondimhunegn, ayaa leh Khibrad Milliteri oo gaareysa 34 Sano , isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay  hoggaanka Ciidanka difaaca Itoobiya ee ENDF loo yaqaan.

2019_01_31_AMISOM_New_FC-7

2019_01_31_AMISOM_New_FC-6

2019_01_30_New_AMISOM_FC-8

2019_01_31_AMISOM_New_FC-8

2019_01_30_New_AMISOM_FC-4

2019_01_30_New_AMISOM_FC-6

2019_01_30_New_AMISOM_FC-5

2019_01_30_New_AMISOM_FC-7

2019_01_31_AMISOM_New_FC-1

2019_01_30_New_AMISOM_FC-3

2019_01_31_AMISOM_New_FC-5

2019_01_31_AMISOM_New_FC-2

 

Facebook Comments