Dalka Sacuudiga oo Roob xoogleh ka da’ay sababayna Dhimasho iyo Dhaawac isugu jira

Dalka Sacuudiga oo Roob xoogleh ka da’ay sababayna Dhimasho iyo Dhaawac isugu jira

January 31, 2019 0 By walaal24

 

Dalka Sacuudiga oo Roob xoogleh ka da’ay sababayna Dhimasho iyo Dhaawac isugu jira, roobkan oo da’ayay todobaadkan, meelaha qaar burbur ugeystay.

Toban ka mid ah Dadka dhintay ayaa ku geeriyooday Gobolka Tabuuk oo dhacda Waqooyi Galbeed ee Dalka Sacuudiga, halka mid kalena uu ku Naf waayay Magaalada barakaysan ee Maniina Al-munawara.

Ugu yaraan 12 Qof ayaa ku dhimatay tiro intaa ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray daadad xooggan oo ka dhashay Roobab ka da’ay Todobaadkan qeybo ka mid ah Dalka Sacuudi Carabiya.

Kooxaha gurmadka ayaa warbaahinta caalamka u sheegay in ay kasoo badbaadiyeen 271 Qof Gobolka Tabuuk ee xadka uu Sacuudiga la wadaago Dalka Jordan.

 

Facebook Comments