Ra’iisa wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Uhuru oo ka wada hadlay xiriirka labada Dal iyo la dagalanka Argagixisada

Ra’iisa wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Uhuru oo ka wada hadlay xiriirka labada Dal iyo la dagalanka Argagixisada

January 30, 2019 0 By walaal24

 

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, oo shalay Kenya ku tegay booqasho rasmi ah ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay madaxwaynaha dalkaas, Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa ka wada hadlay adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, waxa ayna isla garteen in xoojinta xariirka labada dawladood ka dhexeeya uu muhiim u yahay Horumarka iyo xasiloonida gobalka geeska Afrika.

“Waxa aan maanta, kulan mira-dhal ah Nairobi kula qaatay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta. Waxa aan ka wada hadlnay xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada & sidii looga ciribtiri lahaa gobolka. Sidoo kale waxa aan isla qaadannay muhiimmadda iskaashi ay yeeshaan dowladaha gobolka”.

Ra’iisul Wasaaraha oo madaxwayne Kenyatta u muujiyay sida ay muhiim u tahay in loo midoobo xasilinta iyo nabadaynta gobalka ayaa dawladda Kenya u ballan qaaday in Soomaaliya ay ku garab taagantahay dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.

Madaxwayne Kenyatta ayaa bogaadiyay wadada saxda ah ee Soomaaliya ay ku taagantahay dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo xariirka wanaagsan ee ay la leedahay bah-wadaagta caalamka, waxa uuna ballan qaaday in Kenya ay sii wadi doono taageeradeeda dadaallada caalamka ee dalka Soomaaliya lagu xasilinayo, dibna loogu dhisayo.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and indoor

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing

Image may contain: one or more people, people standing, beard and suit