Dhageyso: Axmed Madoobe “Dowlada dhexe waa inay la tilmaamo hanan siyaasad oo ay kula dhaqanto Dowlad Goboledyada”

Dhageyso: Axmed Madoobe “Dowlada dhexe waa inay la tilmaamo hanan siyaasad oo ay kula dhaqanto Dowlad Goboledyada”

January 30, 2019 0 By walaal24

 

Madaxwaynaha maamulka Jubbalan Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlayay shirirkii ka dhacay magaalada Garowe ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay xiriir wanaagsan oo uu la yeesho dowladda federaalka Soomaaliya, hasa yeeshee ay muhiim tahay in la dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee haatan jira, inta laga gaarayo shir weynaha lagu balamay in bisha Maarso 20 keeda ee sanadkan, la isugu yimaado magaalada Garoowe.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka doonayaan in ay saxdo dhamaanba khaladaadka ay ka tirsanayaan isla markaasna ay la tilmaamo hanaan siyaasadeed oo ay kula dhaqanto dowladd goboleedyada.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay arimo quseeya howlgalada ka socda deegaanada Jubbaland, isagoona shacabka goboladaasi ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan ka qayb qaadashada dagaal balaadhan oo dhawaan ka bilaabanaya guud ahaan deegaanada ay maamulaan Al-shabaab si looga xoreeyo.

Axmed Madoobe waxaa kaloo uu soo hadal qaaday Doorashada Jubalan oo uu ku sheegay iney dhaceyso waqtigeeda, wuxuu kaloo sheegay in ay dadku leeyihiin dagaalka wuxuu rabaa inuu yiraahdo dagaal baan ku jirnaa dib haloo dhigo, dhihimaayo dib haloo dhigo waqtigeeda ayay dhaceysaa, “gacana waan ku dagalameynaa gacana doorashadan ku galeynaa” waa sida uu yiri.

 

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Axmed Madoobe:-