Daawo: Ra’iisal wasare ku xigenka XFS “Gudomiye Siyaasiinta xanaaqsan aad u soo jeedinlaheyd iney iyaguna arkaan indhahoodana ku arkaan”

Daawo: Ra’iisal wasare ku xigenka XFS “Gudomiye Siyaasiinta xanaaqsan aad u soo jeedinlaheyd iney iyaguna arkaan indhahoodana ku arkaan”

January 30, 2019 0 By walaal24

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuled (Khadar) ayaa si kulul u weeraray siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda, kuwaas oo mararka qaar dhaliila siyaasada dowladda.

Waxa uu sheegay inay jiraan siyaasiyiin fara badan oo xanaaqsan oo aan arkayn waxa ay qabatay dowladda ama gobolka Banaadir isla markaasna mar walba sheegaya in aan waxba la qaban.

“Mudane gudoomiye waxaa jira niman badan oo saaxiibadeena ah oo aan waxba arkayn siyaasiyiinta xanaaqsan oo mar walba lasoo taagan waxba lama qaban iyo qabyo waa halkeedii” Ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Hadalkan ayuu ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya waxa uu ka sheegay munaasibad lagu soo bandhigayey waxqabadka halka sano ee maamulka gobolka Banaadir ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yarisow.