Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo ka hadalay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Uganda

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo ka hadalay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Uganda

January 29, 2019 0 By walaal24

 

Markii Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa hadal ka jeediyay Shir looga hadlaayay Arrimaha Garsoorka oo ka dhacay dalka Uganda, kana sheegay in Soomaaliya ka jirin Dowlad.

Waxaa ka hadlay Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Museveni uu iskii u hadlay oo la ogyahay in Soomaaliya ay dowlad leedahay.

Walow dad badan ay aad u dhibsadeen hadalka Museveni ayaa haddana dadka aqoonta u leh culluunta siyaasadda waxay qabaan fikir ah in kalmadda uu yiri Museveni aysan wax dhib ah laheyn, balse ay ku xiran tahay hadba dalka hadalkaasi lagu dhahayo xaaladda uu ku sugan yahay.

Madaxweyne Museveni oo maalin kahor hadlay uu sheegay in Soomaaliya Dowlad ka jirin, ayaa waxaa aad u dhibasaday arrintaas ka soo yeeray Museveni inta badan Soomaalida.

Hadaba Aqoonyahanada culuunta siyaasada bartay ee lagu tilmaamo qaarkood ayaa waxay sheegeen inaan laga farcelinkarin hadalka Museveni.

Hadaba mararka qaar waa laga facelin karaa, laakiin hadalka ka soo yeeray ayaa ah mid aan fal celis mudneed, Aqoonyahanada Soomaaliyeed waxaa isaga qasan Cidamada Uganda waxa ay ku joogaan iyo waxa kale.

Ciidamada Uganda ma’ahan Ciidan Dowlad iskeed u soo dirtay ama Labo Dowladood iskood isaga codsadeen, hadaba waxay ku yimadeen dalab ay dalbatay Dowladda Soomaaliya, markii ay u qeylo dhaan sadatay Caalamka in la caawiyo oo Dowladaha deriska ay ku jiraan, Dowladaha Deriskana ay daneynayeen, dhanka kale waa la badeli karaa ee Dowlada Soomaaliya ay ka codsato Dowlad kale kana aqbasho waa la bedelikaraa.

Dowladda Soomaaliya xiliga hada la joogo baahi uma qabto Ciidamo shisheeye oo qorshuhu yahay in ay mardhow la wareegidoonaan Ciidamada Qalabka sida ee Xooga.

Howlgalada inta badan waxaa hada fuliya Ciidamada Xooga oo kaliya, waxaa caawiya Dowladda mareykanka oo dhanka Cirka ka caawisa, Ciidamada AMISOM Howlgal waxaa ugu danbeysay mudo Hal sano iyo bar.

Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya waa kuwa ku soo uruuray in ay dhaqaalahooda eegtaan oo kaliya, dadka qaar waxay dhahaan Ciidamada AMISOM ayaa ilaaliya Madaxtooyada, hadaan runta idiin sheego ma joogaan Villa Soomaaliya, sida wararka xaqiiqda aan ku heleyno, waxaa ku sugan oo kaliya Ciidaamada ilaalada Madaxtooyada ee loo yaqaano Koofiya Casta ee Soomaaliyeed.

Facebook Comments