Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in la dar dargeliyo howlaha ciidamada AMISOM ay kaga baxayaan Soomaaliya

Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in la dar dargeliyo howlaha ciidamada AMISOM ay kaga baxayaan Soomaaliya

January 29, 2019 0 By walaal24

 

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay qorshaha ciidamada AMISOM ay kaga baxayaan Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay in ciidanka AMISOM ay ka baxaan Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dar dargeliyo howlaha ciidamada AMISOM ay kaga baxayaan Soomaaliya.

Waxaa uu xusay Madaxweynaha Dowladda Jabuuti in dowladiisa ay tahay Dowladda Ciidamada ugu yar ay ka jooggaan Soomaaliya sababtuna ay tahay in ay taageero iyo tababar joogto ah ay siiyaan Ciidanka Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay isku tashi balaaran oo ku aadan Ciidanka Soomalida ay hantaan Ammaanka Dalkooda.

Facebook Comments