Taliyaha Booliska ee Nairobi oo sheegay Qaraxii ka dhacay magaalada Nairobi uu ka danbeeyay Nin Soomaali

Taliyaha Booliska ee Nairobi oo sheegay Qaraxii ka dhacay magaalada Nairobi uu ka danbeeyay Nin Soomaali

January 28, 2019 0 By walaal24

 

Qarax  ka dhacay maalin ka hor bartamaha magaalada Nairobi, waxaana ka hadlay Taliyaha Booliska ee Nairobi Philp Ndolo oo daqiiqado yar un ka dib markii uu weerarka dhacay u sheegay warbaahinta maxaliga in ninkii ka dambeeyay qaraxaasi uu ahaa Soomaali, dad badan ayaa ka carooday hadal ka soo yeeray taliyaha

” Nin gaari gacan watay ayaa waxa kireystay oo kaartoon alaab ay ku jirto u dhiibay nin Soomaali ah, ninkii inta uusan gaarin wadadad Tom Mboya ayaa ninkii (Soomaaliga ahaa ) waxaa uu u sheegay xamaaliga in uu soo hilmaamay sharcigiisa, waxaan uu ka codsaday in halkaasi ku sugo, si uu usoo qaato, balse waxaa qarxay kartoonkii uu waday ninkii xamaaliga ahaa” Sidaasi waxaa yiri Philp Ndolo oo ah taliyaha booliska ee Nairobi.

Tan iyo markii ururka Al Shabaab ay weerarka ku qaadeen dhismaha Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi waxaa warbaahinta dalka Kenya ay ku soo warrantay in dadkii weerarki geystay ay ahaayeen dad ka soo jeeda qowmiyadaha aan Soomaalida aheyn ee ku nool dalka Kenya.

Arrintaasi oo la aaminsan yahay inay yareysa xiisaddii ka dhalan laheyd weerarkaasi ayay dad badani waxaa ay qabaan in sababtu ay tahay in qaar ka mid ah dadkii la sheegay in weerarka ay geysteen aysan aheyn Soomaali, balse ay yihiin dadyow kale oo ka soo jeeda qowmiyadaha kale ee dega Kenya.

.

Hadalka taliyaha ayaa waxaa ka carooday dad badan, iyagoo na su’aal geliyay sida taliyaha uu mudada kooban ku ogaaday in ninkaasi uu ahaa Soomaali iyo inkale, maadaama ay jiraan dad badan oo muuqaal ahaan ay isku egyihiin Soomaalida, gacanta na aanan lagu dhigin ninkii tuhunsanaha ahaa.

“Kolay taliyaha wuu degdegay,dadkii uu la hadlay ayaa ku yiri ninka Soomaali buu ahaa, madaama uu isagu yahay taliyaha booliska ee Nairobi in uu arrimahaasi oo kale uu ku degdego ilaa iyo inta baartitaanka laga sameynayo ma aheyn, mana ahan in qowmiyad dhan aad ka dhigto tuhunsanayaa, waana arrin aan waafaqsaneyn nidaamka”. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Cali Baashi oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada.

Arrintan ayaa waxaa dhowr jeer oo hore warbixin kasoo saaray hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights watch oo sheegtay in Soomaalida xaafadda Islii intooda badan lagu tilmaamo argagixiso.

Qowmiyada badan oo dega dalka Kenya ayaa la aaminsan yahay in muuqaal ahaan ay isu egyihiin Soomaalida, kuwaasi oo ay kamid yihiin Booranta, Sambuuru, Burjida, Rendille iyo kuwa kale oo dega gobolada kale ee Kenya.

Facebook Comments