Madaxweyne Farmaajo oo kulan wadatashi la qaatay Madaxda maamul Goboleedyada

Madaxweyne Farmaajo oo kulan wadatashi la qaatay Madaxda maamul Goboleedyada

January 27, 2019 0 By walaal24

 

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan wadatashi iyo is-xogwaraysi ah la yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka.

Kulanka waxa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo Mudane Shariif Sh. Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Sen.  Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Madaxda Qaranka iyo kuwa dowlada Goboleedyada oo ay wehliyaan madaxweynayaashii hore ayaa ka qeybgalay calaama saarkii madaxweynaah Puntland Siciid C/llaahi deni oo xalay ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

https://sonna.so/wp-content/uploads/2019/01/

https://sonna.so/wp-content/uploads/2019/01/

Facebook Comments