Madaxweyne Trump oo si ku meel gaar ah u fasaxay shaqooyinkii shaqalaha Dowladda Mareykanka

Madaxweyne Trump oo si ku meel gaar ah u fasaxay shaqooyinkii shaqalaha Dowladda Mareykanka

January 26, 2019 1 By walaal24

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriaga ayaa goor hore diiday in uu saxiixo miisaaniyadda dowladda, ilaa lagu daro 5.7 Billiyen oo lagu dhisayo derbigaasi, balse taasi waxaa durba diiday congresska Mareykanka oo ay ku badan yihiin xisbiga Dimuqradiga.

Trump ayaa ka tanaasulay go’aankiisu ahaa cadaadiskii siyaasadeed uu waday, si loo soo afjaro hakadkii ku yimid howlihii shaqo ee hay’adaha dowladda oo waqtigii ugu dheeraa abid taariikhda soo mara noqday.

Trump ayaa 35 casho kadib taageeray qorshaha lagu fasaxayo isticmaalka miisaaniyadda dowladda muddo labo todobaad aan ka badneyn, mana kujirto lacagtii uu dalbaday in lagu dhiso derbiga xadka Mareykanka iyo Mexico.

Gelinkii dambe ee jimcihii ayaa labada aqal ee Mareykanka ayaa ansixiyay in si ku meel gaar ah loo fasaxo shaqooyinka hay’adaha dowladda, intaasi ka dib ayuu madaxweyne Trump saxiixay si loo adeegsado miisaaniyadda.

Madaxweyne Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in go’aankiisu uu meel u yaalo balse uu ka damqaday malaayiinta shacabka Mareykanka ah oo saameynta ku yeelatay arrintaasi.

“Waxaan rajeynayaa in shacabku ay aqrinayaan ama ay dhageysanayaan ereyadeydii ku wajahan arinta derbiga xuduudda, arrintani waa mid aan laga gorgortamaynin,waxaa daryeel helayay malaayiin qof, kuwaasi oo xanibaadu ay saasmeyn ku yeelatay muddo maalmo ah, hadii wax heshiis ah aan l agaarin waxba ma soconayaan”. Ayuu yiri madaxweyne Trump

Facebook Comments